Saturday, May 31, 2025

PSG vs Inter


 
    

Nin Nasiib le ayaa Final yimaada


Kooxda PSG waxay guuldarro la kulantay shan jeer intii lagu guda jiray tartanka horyaalka Champions League-ga, halka ay laba guuldarro oo kale uga soo hoyatay horyaalka dalka France ee Ligue 1 xilli ciyaareedkan, iyadoo horay u haysatay labadii koob ee gudaha dalka (horyaalka iyo koobka Coupe de France). Waxay si xooga ku gaadheen finalka iyagoo burburiyay kooxihii Ingiriiska ee tartanka ka qaybgalay Sida: Arsenal, Aston Villa,Liverpool Iyo Manchester City oo aan gacanteeda sababsan. Halka saddexda kaleba ay shanteeda ula tagtay.

Dhanka kale, laba guuldarro oo 1-0 ah oo ay kala kulmeen Bologna iyo Roma bishii hore ayaa ku wareejisay horyaalka Serie A kooxda Napoli, balse Inter Milan kaliya hal mar ayaa laga badiyay Champions League xilli ciyaareedkan – taasoo ahayd 1-0 ay kaga hortageen Bayer Leverkusen ciyaar League Phase ah markii ay horey usoo baxeen. Waxay garaaceen Feyenoord, Bayern Munich, iyo Barcelona si ay u gaadhaan Finalka.

Taariikhda

Inta aan ogahay labada kooxood weligood iskuma aysan arag tartan rasmi ah oo Yurub ah. Markii ugu dambeysay ee ay kulmeen waxay ahayd ciyaar saaxiibtinimo ah oo ka dhacday Garoonka Qaranka ee Tokyo bishii Agoosto 2023, taasoo Inter ku badisay 2-1.

PSG waxay hal koob oo Yurub ah ku guuleysatay – Koobkii Kooxaha Guuleystay xilli ciyaareedkii 1995/96. Dhinaca kale, rikoodhka Inter Milan waa mid xoog badan. Waxay saddex jeer ku guuleysteen Champions League/European Cup, tii ugu dambeysayna waxay ahayd 2010, halka final-koodii ugu dambeeyay uu ahaa 2023 oo ay Man City ku riftay. Sidoo kale, waxay seddex jeer ku guuleysteen UEFA Cup/Europa League.

Xiddigaha Muhiimka ah

Ousmane Dembélé, oo dhaliyay 33 gool 48 kulan Dhammaan Tartamadoo dhan xilli ciyaareedkan, waa xiddiga ay ku dhaarato kooxda PSG. waxaa kaloo jira da'yar kale oo u ciyaarta kooxda PSG, Sida: Désiré Doué, kaasoo isaguna 13 gool dhaliyay.

PSG waxay xilli ciyaareedkan dhaliyeen 147 gool tartamada oo dhan, waxayna dheertahay-33 gool kooxda Inter – waxaana afar ciyaaryahan oo kooxdooda ka tirsan ay dhaliyeen tiro goolal laba-gaan ah (double figures).

Inter Milan waxay haysataa 21 ciyaaryahan oo kala duwan oo goolal dhaliyay xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigaysa koox goolal badan laga filan karo. Waxaa mudan in si gaar ah loola socdo Denzel Dumfries, difaac weeraryahan ah oo dhaliyay 11 gool xilli ciyaareedkan. Ninka reer Holland wuxuu si cajiib ah u ciyaaray labadii kulu ee semi-finalkii ka dhanka ahaa Barcelona.

Wararka Kooxaha

Inter waxaa ka maqnaanaya Valentín Carboni, oo jilibka ka jabay bishii Oktoobar, mana soo laaban doono ilaa xilli ciyaareedka dambe. Benjamin Pavard iyo Piotr Zielinski ayaa dhaawacyo fudud ku seegay ciyaartii ugu dambeysay ee Serie A ee ay la yeesheen Como, laakiin labaduba waa la filayaa inay diyaar u yihiin final-ka.

PSG waxaa kaliya ka maqan Presnel Kimpembe, kaasoo labo kulan oo kaliya u ciyaaray labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay. Labada kooxoodba wax ciyaartooy ah oo ganaax kaga maqan ma jiraa.

Saadaasha

PSG: Dhab ahaantii waa koox muran badan dhalinaysa – koox ka fiicnaatay markii ay weysay Messi, Mbappé, iyo Neymar. Lacagta Qadar ee muddada dheer lagu maalgelinayay kooxda ayaa sababtay in guuldarrooyinkooda Yurub laga dhigo qosol joogto ah, balse xilli ciyaareedkan waxay u muuqdeen kuwo ka duwan. Waxaa mudan in lagu amaano macallinka Luis Enrique, kaasoo si weyn u bedelay wajigooda tartanka.

Inter, dhankooda, waxay si dhow ula mid yihiin astaanta kooxaha Talyaaniga ee leh xeelad iyo khibrad ay ku guuleystaan marka ay muhiim tahay, iyagoo horey u reebay labo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayay guusha tartanka. Laakiin PSG-da xilli ciyaareedkan waxay u muuqataa mid leh qaddarinta tartankan, sida in iyaga magacooda lagu qoray
.
Marka, aan saadaalinno natiijo ku habboon dhammaadka ciyaarta: 2-1 PSG ayaa ku guuleysan doona final-ka. 

Hadii aad tahay dadka Bet gareeya ciyaaraha waxaan kugula talin lahaa, inaad ku dhigato Both teams to score (BTTS) yes.

Caawa iyo Caalamka


 31 May 2025 9:00 PM


Waxaa muddo dheer lasugayay final-ka Champions League –ga. waxaana isku dhacaya Paris Saint-Germain (PSG) iyo Inter Milan, oo ku wada ciyaari doona  garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich, carriga Jalmalka iyadoo midkood qaadi doono koobka ugu weyn Yurub.

Paris Saint-Germain waxay fooda is dari doonaan kooxda Inter Milan, iyadoo raadinaya guusheedii ugu horreysay abid ee Champions League. PSG waxay rajeynaysaa in natiijada caawa ay ka duwanaato middii final-koodii ugu horreeyay ee UCL ee 2020, markaas oo Bayern Munich ay ka adkaatay kooxda Faransiiska ah.

Iyadoo gacanta ku haysa maalgelin xoog leh iyo khibradda Luis Enrique, PSG waxay si weyn u beddeshay qaab ciyaareedkeda, waxayna hadda ciyaarayaan kubbad weerar furan ah, taasoo si weyn uga duwan falsafadda Inter Milan. Dad badani ma filaynin in PSG ay gaari doonto final-ka Champions League, gaar ahaan markii ay u muuqdeen kuwo ku bixi doona heerka group-yada bishii November, markaas oo shaqada Enrique ay khatar ku jirtay. Si kastaba ha ahaatee, wixii markaas ka dambeeyay way is beddeleen – waxay qaaday Ligue 1 iyo Coupe de France, waxayna caawa u jiraan hal kulan oo kaliya si ay u noqdaan kooxda Faransiiska ugu horreysa ee qaada treble-ka (saddexda koob ee waaweyn).

Dhankooda, Inter Milan ayaa sidoo kale guuldarro la kulantay final-kii Champions League ee 2023, markaas oo ay Manchester City ka adkaatay. Si kastaba ha ahaatee, Nerazzurri waxay haystaan saddex koob oo Champions League ah oo ay ku faanaan, waxayna ku raja wayntahay in ay ku darsato kii afraad.

Ragga uu hoggaamiyo Simone Inzaghi waxay xilli ciyaareedkan soo karbaasheen kooxa waa wayn, sida, Barcelona iyo Bayern Munich. Inkastoo ay la waayeen tartanka horyaalka Serie A iyagoo u dhowaa Napoli, haddana Inter Milan waxay u muuqataa "shabeel dhaawacmay", waxaana laga filayaa inay sameeyaan wax walba si ay ugu guuleystaan sharafta ugu weyn ee Yurub.

Inzaghi wuxuu rajaynayaa in ciyaartoydiisu ay xakameeyaan ciyaarta laga bilaabo bilowga ilaa dhammaadka, iyadoo aysan jirin daqiiqad nasasho ah. Waxay ka barteen khaladaadkii ay galeen kulankii Barcelona, markaasoo ay hogaankii qeybtii hore lumisay daqiiqado gudahood. Inkastoo xaaladoodu adkayd, Inter way badisay ciyaartaas, waxaana PSG si fiican u garanaysaa sida ay u adag tahay Inter.

Natiijooyinka 5-tii kulan ee ugu dambeysay ee tartamada oo dhan

Paris Saint-Germain:
Waxay badisay 4 kulan Iyo hal kulan oo laga badiyay (Strasbourg)

Inter:
Waxay badisay 4 kulan Iyo hal bar-bar dha (Lázio)

Wararka Kooxaha

Labada kooxoodba waxay soo gaadheen Munich iyadoo aysan jirin dhaawacyo cusub, isla markaana ay helleen nasasho ku filan.

Marka laga reebo ganaaxa Presnel Kimpembe, Luis Enrique wuxuu haystaa kooxdiisa oo dhammeystiran. Waxaa la filayaa in la safi doono line-up la mid ah kii ay ku wajahayeen Arsenal.

Ousmane Dembélé iyo Khvicha Kvaratskhelia ayaa lagu bilaabi doonaa ciyaarta, iyadoo la rajeynayo inay sii wadaan qaab ciyaareedkooda fiican. Halka midkood – Desiré Doué ama Bradley Barcola – uu ku bilaaban doono kaydka.

Dhanka Inter, Benjamin Pavard iyo Piotr Zielinski ayaa kasoo kabsaday dhaawac isla waqtiga final-ka.
Lautaro Martinez ayaa la nasiyay tan iyo guushii semi-finalka ee lugtii labaad ee ay ka heleen Barcelona, waxaana la rajeynayaa inuu ciyaaro dhammaan 90-ka daqiiqo.
Sidoo kale, Nerazzurri waxay rajeynayaan in Federico Dimarco uu markale iftiimo, isagoo bandhig cajiib ah sameeyay labo sano kahor kulankii ay la yeesheen Man City.

Shaxaha la saadaalinayo

Paris Saint-Germain (4-3-3):
Donnarumma; Hakimi, Marquinhos, Pacho, Nuno Mendes; Joao Neves, Vitinha, Fabian Ruiz; Doué, Dembélé, Kvaratskhelia

Inter Milan (3-5-2):
Sommer; Bisseck, Acerbi, Bastoni; Dumfries, Barella, Calhanoglu, Mkhitaryan, Dimarco; Thuram, Martinez

PSG vs Inter

       Nin Nasiib le ayaa Final yimaada Kooxda PSG waxay guuldarro la kulantay shan jeer intii lagu guda jiray tartanka horyaalka Champions...