Saturday, May 31, 2025

Caawa iyo Caalamka


 31 May 2025 9:00 PM


Waxaa muddo dheer lasugayay final-ka Champions League –ga. waxaana isku dhacaya Paris Saint-Germain (PSG) iyo Inter Milan, oo ku wada ciyaari doona  garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich, carriga Jalmalka iyadoo midkood qaadi doono koobka ugu weyn Yurub.

Paris Saint-Germain waxay fooda is dari doonaan kooxda Inter Milan, iyadoo raadinaya guusheedii ugu horreysay abid ee Champions League. PSG waxay rajeynaysaa in natiijada caawa ay ka duwanaato middii final-koodii ugu horreeyay ee UCL ee 2020, markaas oo Bayern Munich ay ka adkaatay kooxda Faransiiska ah.

Iyadoo gacanta ku haysa maalgelin xoog leh iyo khibradda Luis Enrique, PSG waxay si weyn u beddeshay qaab ciyaareedkeda, waxayna hadda ciyaarayaan kubbad weerar furan ah, taasoo si weyn uga duwan falsafadda Inter Milan. Dad badani ma filaynin in PSG ay gaari doonto final-ka Champions League, gaar ahaan markii ay u muuqdeen kuwo ku bixi doona heerka group-yada bishii November, markaas oo shaqada Enrique ay khatar ku jirtay. Si kastaba ha ahaatee, wixii markaas ka dambeeyay way is beddeleen – waxay qaaday Ligue 1 iyo Coupe de France, waxayna caawa u jiraan hal kulan oo kaliya si ay u noqdaan kooxda Faransiiska ugu horreysa ee qaada treble-ka (saddexda koob ee waaweyn).

Dhankooda, Inter Milan ayaa sidoo kale guuldarro la kulantay final-kii Champions League ee 2023, markaas oo ay Manchester City ka adkaatay. Si kastaba ha ahaatee, Nerazzurri waxay haystaan saddex koob oo Champions League ah oo ay ku faanaan, waxayna ku raja wayntahay in ay ku darsato kii afraad.

Ragga uu hoggaamiyo Simone Inzaghi waxay xilli ciyaareedkan soo karbaasheen kooxa waa wayn, sida, Barcelona iyo Bayern Munich. Inkastoo ay la waayeen tartanka horyaalka Serie A iyagoo u dhowaa Napoli, haddana Inter Milan waxay u muuqataa "shabeel dhaawacmay", waxaana laga filayaa inay sameeyaan wax walba si ay ugu guuleystaan sharafta ugu weyn ee Yurub.

Inzaghi wuxuu rajaynayaa in ciyaartoydiisu ay xakameeyaan ciyaarta laga bilaabo bilowga ilaa dhammaadka, iyadoo aysan jirin daqiiqad nasasho ah. Waxay ka barteen khaladaadkii ay galeen kulankii Barcelona, markaasoo ay hogaankii qeybtii hore lumisay daqiiqado gudahood. Inkastoo xaaladoodu adkayd, Inter way badisay ciyaartaas, waxaana PSG si fiican u garanaysaa sida ay u adag tahay Inter.

Natiijooyinka 5-tii kulan ee ugu dambeysay ee tartamada oo dhan

Paris Saint-Germain:
Waxay badisay 4 kulan Iyo hal kulan oo laga badiyay (Strasbourg)

Inter:
Waxay badisay 4 kulan Iyo hal bar-bar dha (Lázio)

Wararka Kooxaha

Labada kooxoodba waxay soo gaadheen Munich iyadoo aysan jirin dhaawacyo cusub, isla markaana ay helleen nasasho ku filan.

Marka laga reebo ganaaxa Presnel Kimpembe, Luis Enrique wuxuu haystaa kooxdiisa oo dhammeystiran. Waxaa la filayaa in la safi doono line-up la mid ah kii ay ku wajahayeen Arsenal.

Ousmane Dembélé iyo Khvicha Kvaratskhelia ayaa lagu bilaabi doonaa ciyaarta, iyadoo la rajeynayo inay sii wadaan qaab ciyaareedkooda fiican. Halka midkood – Desiré Doué ama Bradley Barcola – uu ku bilaaban doono kaydka.

Dhanka Inter, Benjamin Pavard iyo Piotr Zielinski ayaa kasoo kabsaday dhaawac isla waqtiga final-ka.
Lautaro Martinez ayaa la nasiyay tan iyo guushii semi-finalka ee lugtii labaad ee ay ka heleen Barcelona, waxaana la rajeynayaa inuu ciyaaro dhammaan 90-ka daqiiqo.
Sidoo kale, Nerazzurri waxay rajeynayaan in Federico Dimarco uu markale iftiimo, isagoo bandhig cajiib ah sameeyay labo sano kahor kulankii ay la yeesheen Man City.

Shaxaha la saadaalinayo

Paris Saint-Germain (4-3-3):
Donnarumma; Hakimi, Marquinhos, Pacho, Nuno Mendes; Joao Neves, Vitinha, Fabian Ruiz; Doué, Dembélé, Kvaratskhelia

Inter Milan (3-5-2):
Sommer; Bisseck, Acerbi, Bastoni; Dumfries, Barella, Calhanoglu, Mkhitaryan, Dimarco; Thuram, Martinez

No comments:

PSG vs Inter

       Nin Nasiib le ayaa Final yimaada Kooxda PSG waxay guuldarro la kulantay shan jeer intii lagu guda jiray tartanka horyaalka Champions...